The Ministry of Interior Federal Affairs and Reconciliation North Eastern State of Somalia Tue, June 23 2026
๐Š๐Ž๐‘๐Œ๐„๐„๐‘๐Š๐€ ๐ƒ๐Ž๐Ž๐—๐Ž๐Ž๐˜๐ˆ๐๐Š๐€ ๐—๐Ž๐Ž๐‹๐Ž-๐ƒ๐€๐€๐๐„๐„๐๐Š๐€ ๐„๐„ ๐Œ๐€๐ƒ๐€๐— ๐‹๐€๐†๐”๐—๐Ž๐Ž๐‘ ๐ˆ๐˜๐Ž ๐†๐€๐‘๐€๐,

๐Š๐Ž๐‘๐Œ๐„๐„๐‘๐Š๐€ ๐ƒ๐Ž๐Ž๐—๐Ž๐Ž๐˜๐ˆ๐๐Š๐€ ๐—๐Ž๐Ž๐‹๐Ž-๐ƒ๐€๐€๐๐„๐„๐๐Š๐€ ๐„๐„ ๐Œ๐€๐ƒ๐€๐— ๐‹๐€๐†๐”๐—๐Ž๐Ž๐‘ ๐ˆ๐˜๐Ž ๐†๐€๐‘๐€๐,

May 18, 2026

๐Š๐Ž๐‘๐Œ๐„๐„๐‘๐Š๐€ ๐ƒ๐Ž๐Ž๐—๐Ž๐Ž๐˜๐ˆ๐๐Š๐€ ๐—๐Ž๐Ž๐‹๐Ž-๐ƒ๐€๐€๐๐„๐„๐๐Š๐€ ๐„๐„ ๐Œ๐€๐ƒ๐€๐— ๐‹๐€๐†๐”๐—๐Ž๐Ž๐‘ ๐ˆ๐˜๐Ž ๐†๐€๐‘๐€๐, ๐’๐Ž๐Ž๐‹: ๐Ÿ๐Ÿ–/๐ŸŽ๐Ÿ“/๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ”, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-Heshisiinta Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya ๐Œ๐ฎ๐๐š๐ง๐ž ๐€๐ฑ๐ฆ๐ž๐ ๐‚๐š๐ฅ๐ข ๐˜๐š๐ค๐ก๐ฅ๐ž, oo ay weheliyaan Wasiirka Amniga ๐Œ๐ฎ๐๐š๐ง๐ž ๐‚๐š๐›๐๐ข๐ซ๐ข๐ฌ๐š๐š๐ช ๐…๐š๐š๐ซ๐š๐ฑ ๐–๐š๐ซ๐ฌ๐š๐ฆ๐ž, Taliyaha Guud Ciidanka Daraawiishta, Taliyaha Guud Ciidanka Booliska, Xubno ka tirsan Golaha Baarlamaanka Dowladda Waqooyi Bari, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Guddoomiyaha Gobolka Sool, Maayar ku-xigeenka Degmada Laascaanood iyo Guddoomiyaha Degmada Yagoori ayaa gaadhay deegaanada hoostaga Dooxooyinka Xoolo-daaqeenka Madax-lagu-xoor iyo Garab. โ€Ž โ€ŽUjeeddada Safarka Wafdigan ballaadhan ayaa ahaa adkaynta xaaladda amniga, xoojinta difaaca Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya, iyo la dagaallanka deegamaynta sharci-darrada ah ee lagu samayeeyo dhulka Xoolo-daaqeenka. โ€Ž โ€ŽIntii uu wafdigu ku sugnaa deegaanadaas, waxay kormeero iyo booqashooyin ku tageen goobo kala duwan oo hore Wasaaradda Arrimaha Guduhu uga soo saartay Awaamiir Mamnuucaya in si sharci-darro ah loo deegaameeyo dhulka xoolo-daaqeenka, maadaama uu yahay dhul muhiim u ah nolosha iyo dhaqaalaha bulshada Dowladda Waqooyi Bari. โ€Ž โ€ŽWasaaradda Arrimaha Gudaha oo sii Xoojinaysa dadaallada lagu ilaalinayo dhulka daaqsinka ayaa kulamo la qaadatay odayaasha dhaqanka, Waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada deegaanka. Kulamadaas waxaa si cad loogu adkeeyey in aan la oggolaan doonin deegamayn sharci-darro ah oo laga sameeyo dhulka xoolo-Daaqeenka ah, isla markaana loo baahan yahay wadajir iyo iskaashi lagu ilaalinayo khayraadka deegaanka. โ€Ž โ€ŽSidoo kale, wafdigu waxay u kuur-galeen xaaladaha deegaanka iyo baahiyaha ka jira goobaha xoolo-dhaqatada, iyagoo bulshada deegaanka ku dhiirrigeliyey in si wadajir ah loo ilaaliyo dhulka daaqsinka, loo adkeeyo amniga, loona xoojiyo xasilloonida deegaanka. โ€Ž โ€ŽBulshada ku dhaqan deegaanadaas ayaa si weyn u soo dhaweeyey wafdiga, iyagoo muujiyey taageerada ay u hayaan dadaallada Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya ee lagu ilaalinayo dhulka daaqsinka, amniga iyo wadajirka bulshada. -๐ƒ๐‡๐€๐Œ๐Œ๐€๐€๐ƒ- _________ โ ๐—๐€๐…๐ˆ๐ˆ๐’๐Š๐€ ๐–๐€๐‘๐…๐€๐€๐…๐ˆ๐๐“๐€ ๐ˆ๐˜๐Ž ๐—๐ˆ๐ƒ๐‡๐ˆ๐ˆ๐ƒ๐‡๐Š๐€ ๐ƒ๐€๐ƒ ๐–๐„๐˜๐๐€๐‡๐€ ๐–๐€๐’๐€๐€๐‘๐€๐ƒ๐ƒ๐€ ๐€๐‘๐‘๐ˆ๐Œ๐€๐‡๐€ ๐†๐”๐ƒ๐€๐‡๐€ ๐…๐„๐ƒ๐„๐‘๐€๐€๐‹๐Š๐€ ๐ˆ๐˜๐Ž ๐ƒ๐ˆ๐-๐”-๐‡๐„๐’๐‡๐ˆ๐’๐ˆ๐ˆ๐๐“๐€ ๐ƒ๐Ž๐–๐‹๐€๐ƒ ๐†๐Ž๐๐Ž๐‹๐„๐„๐ƒ๐Š๐€ ๐–๐€๐๐Ž๐Ž๐˜๐ˆ ๐๐€๐‘๐ˆ ๐’๐Ž๐Ž๐Œ๐€๐€๐‹๐ˆ๐˜๐€.โž ๐—™๐—ฎ๐—ฐ๐—ฒ๐—ฏ๐—ผ๐—ผ๐—ธ: https://www.facebook.com/share/1CLd2gvmCG/ ๐—ง๐—ถ๐—ธ๐˜๐—ผ๐—ธ: https://www.tiktok.com/@moifarwbs?_t=ZM-90mzTCp6VQ3&_r=1 ๐ŸŒ ๐—ช๐—˜๐—•๐—ฆ๐—œ๐—ง๐—˜: https://moifar.ne.so/ ๐Ÿ“ง ๐„๐ฆ๐š๐ข๐ฅ: ๐ข๐ง๐Ÿ๐จ.๐Œ๐จ๐ข๐Ÿ๐š๐ซ@๐๐ž.๐ฌ๐จ ๐• Twitter: @๐Œ๐Ž๐ˆ๐…๐€๐‘๐–๐๐’